
Somali Community Of SEATTLE,WA AND NORTH DAKOTA Weekly Report(Coming soon)
![]()
Seattle:Xaflad ka dhacday
Washington Seattle laguna Taagerayo Madaxweynaha Cusub iyo
Raisul wasaaraha uu magacaabay,Mudana Cumar Abdirishid Ali Sharmaarke DAWO SAWIRADA 
AMA Halakan Ka daawo:Seattle, Washington oo laga taageeray xukuumadda cusub ee Somaliya >> -DAAWO SAwirada-
MasjidkaAbuu-Bakar
ee magaalada SEATTLE oo warbixin kooban & Ogeysiis soo saaray >> -Akhriso - BY:HASSAN SUNNI
Players can be changed but the game will c... - A. Jama(Gunna-Guune)
Doing the Right Thing in Somalia - Frankie Martin
Reflections on Somaliland’s
Dagaal ka dhacay duleedka Baardheere
Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.
Dagaalka oo ka dhacay Deegaanka Qalaliyow oo 20km u jira Degmada Baardheere ayaa wuxuu yahay mid dhinacyada uu u dhaxeeyo ay isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida ay sheegayaan Dad aan kala xiriirnay Degmada Baardheere weli waa waqti hore in la ogaado khasaaraha dagaalkan ka dhashay, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay in saraakiisha dagaalka horkaceysa ee labada dhinac ay ka gaabsanayaan in ay hadlaan, halka dadka deegaankana aanan weli wax war ah laga helin.
Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogag Islaamiyiin ah jidka u galeen Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la socda, kuwaasi oo xiliga la weerarayay lugeynayay.
Deegaanka Qalaliyow ee uu dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu yahay dhul buuraley ah oo ay ku nool yihiin dad xoolo-dhaqato ah, waana deegaan ku dhow Webiga Jubba oo leh Dhul Daaq-sineed xoolo dhaqashada ku wanaagsan.
Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco halkan haddii Alle idmo-
|
all rights reserved (c)2003 The Somali Community Of NORTH DAKOTA E-mail:xnuur11@hotmail.com ,Your Comments Needed* | |
"design By:HassanNur