sagalgroup

sagalgroup-Somaliland

30 sano ka horeeyey 18ka May 91

Sodon sano ayaa ka horreeyey 18-ka May, 1991-kii

 Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tan iyo 18kii May, 1991, waxay la mid ahaayeen mucjisooyin siyaasadeed oo isbedello qoto dheer ku sagootiyey wakhtigaa 15-ka sanno laga joogo maanta. Waxaa mudan in la xuso taariikhdii ka horreysay 18-ka May 1991-kii, iyo tii ka danbaysayba.

 

Dad badan oo Adduunka daafihiisa ku nool ayaa u hollanaya in la qoro taariikhda, casharadda iyo khibradaha laga dheehan karo Siyaasadda iyo marxaladaha kala duwan ee Somaaliland soo martay intaan la hilmaamin. Taariikhda la soo maray ayaa sameeysa duruufaha taagan maanta iyo mustaqbalka ummadeed ee soo socda. Marka laga hadlayo Horumarka, waxaa mar kasta la soo qaataa marxaladdo laga kobcay, kuwo lagan gudbay, iyo duruufo adkaa oo laga dabaashay. Dareenka Siyaasadeed ee Somaliland wuxuu markasta soo shaac-baxayeen sannadka ugu horreeya ee tabanka sano bilaabaya, ilaa 1961-kii.

 

Ka soo bilow sannadkii 1961-dii waxaa dhicisoobay inqilaabkii uu hormood-ka ka ahaa Illaahay Ha u Naxariistee Marxuum Xasan Ibraahim Walan-Wal (Xasan Kayd). Inqilaabkaas waxaa sameeyeen Saraakiishii Ciidankii Somaliland ee Ingiriisku ka tegay si loola soo noqdo Madaxbanaanida Somaliland oo ku habowday midawgii Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

 

Bal u fiirso toban sano kadib, 1971-dii, waxaa la dilay Illaahay Ha u Naxariisto Marxuum General Caynaanshe, kadib markii uu saluugay inqilaabkii Siyaad Barre.  

 

Waxaa toban sano kadib, 1981-dii la aasaasay Jab-hadii Somali National Movement (SNM) si halgan hubaysan loogu xorreeyo Somaliland, waxaana halgankaas ku shahiiday dad ka badan 100,000 oo qof.

 

Kaalay waddanka 18kii May 1991-kii, waxaa shirweynihii Burco si rasmi ah loogu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland oo Qaran madax-banaan ah. Sodon sano ayaa loo halgamayey Somaliland oo ka horreeyey 18-ka May, ee yaan la hilmaamin.

 

Waxaa sannadkii 2001-kii codka shacabka si aqlabiyad ah loogu ansixiyey Dastuurka Somaliland, kasoo dhammaystirayey Qaranimadda Somaliland oo xilligaas muddo 40 sano ah loo halgamayey.

 

Waxaa xusid mudan dhabar-adaygii iyo samirkii dadweynaha wakhtigii dagaalka lagula jiray Keligii Taliayihii Siyaad Barre iyo duruufihii qadhaadhaa ee 80-yadii iyo 90-kii horrantiisii. Dagaalkaas shacabka iyo taariikhdii SNM hormoodka ka ahayd waxaa ku duugan aqoonweyn, una baahan in la qoro si loo xasuusiyo ubadka mustaqbalka intaan la hilmaamin.

 

Dadaaladdii Nabadda ee la jaan-qaaday Shirweynihii Burco waxaa laga dheehan karaa doorka weyn ee Guurtida, Salaadiinta iyo raga dhaqanku ku leeyihiin bulshadda Somaliland. Waxay si lama filaan ah u soo dabaaleen jawigii colaadda ee Beelaha Somaaliland dhex-yaalay sannadihii dagaalka lagu jiray. Sirta dhaqankeena ah ee xallinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda iyo doorka Guurtida Somaliland ee dagaalka iyo nabaddaynta waa lagama maarmaan in lagu xuso taariikhda ummadda Somaliland ee ha la qoro intii aanay duugoobin.

 

Waxaa si fudud Somaliland uga qarxay dagaal sokeeye sannadihii 1994/5-kii. Nabad ayaa lagu soo af-jaray dagaalkaas iyadoo laga korodhsaday bisayl iyo waayo-aragnimo hor leh. Iyadoo ay maanta wada geeryoodeen, Illaahay ha u Naxariistee, Siyaasiyiintii doorka weyn ka qaadatay dagaalkaas iyo dib-u-heshiisiintaba, waxaa mucjiso ahayd dareenka xooggan ee nabadda iyo tol-nimadu ee kasoo if-baxday bulshadii dagaalku ka dhex socday muddada labada sanno ah. “Dagaalku waa Mashruuc” ayaa ka mid ahaa haddalada xusuusta galay ee lagu soo af-jaray dagaalkaas, cabirayayna jawigii markaas taagnaa, sida uu yidhi Illaahay ha u Naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Dhaqan, taariikh iyo siyaasad balaadhan ayaa laga dheehan karaa dagaalkaas iyo nabadaynta ka danbaysay. Waa se haddii la qoro intaan la hilmaamin.

 

Muddadii uu xilka hayey Mudaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo afar sano ah is-bedel siyaasadeed oo baaxad weyn ayaa ka dhacay Somaliland. Afartii sano ee u danbaysay Somaliland waxaa ka hirgalay hannaan siyaasadeed oo maanta ay majeeranayaan dawlado badan oo ku yaalla Afrika, isla markaasna gebi-ahaanba aan ka hano-qaadin dowladdaha ku xeeran Somaliland ee Geeska Africa. Ha ka qaateen aqoontaas wixii ka anfaca kuwa ka qataniye, u qora taariikhda intaan la hilmaamin.

 

Taariikhdaas shan iyo afartanka sano laga joogo maanta ee soo taxnayd tan 1961-kii waxay raad weyn oo siyaasadeed iyo dhaqaale-ba ku reebtay bulshada iyo dowladaha Geeska Africa. Dadaalka shacabka Somaliland wuxuu kaloo isbedel hor leh ku yeelan doonaa siyaasadda, taariikhda iyo waddamada Geeska Africa, Gacanka Carabta iyo Adduunka oo dhan, markay taariikhdu tahay 2011, Illaahay Idankii.

 

Taariikhda soo jireenka ah ee shacabka reer Somaliland waxaa ku dheehan dhabar-adayg, gobanimo iyo daacadnimo. Bal u fiirso tixda uu ku siffeeyey Abwaan Hadraawi; “Bulshadeenu waa duul, Daacad iyo xishood badan, Dun xariira weeyaan, Cidna uma darraadaan, Dar Allay ku dhaqantaa, Dareen waw dhegweyn tahay, Ogow doqonse maahee, Qofka maamul dalabliyo, Dabbaal-joogto hoosiyo, Dibindaabyo ugu maqan, Degdeg uma tilmaamaan, Nabar kulama duulaan, Dib bay ugu muddaystaan, Dulmigiisu waw kayd!” (Daalacan; silsilladda Deelley, Hadraawi).

 

Bulshadaa iska leh guusha baaxaddaa leh ee haloo qoro taariikhda intaan la hilmaamin!.  

 

Dr. Cabdulqaadir Askar Xassan

Mudane, Golaha Wakiiladda ee Somaliland.

E-mail: askar211@yahoo.com

Create a free website at Webs.com