هل السنة والجماعةI

AHLU SUNNA WALJAMAA`AH GÖTEBORG


AHLU SUNNA WAL JAMAA`AH FÖRENING I GÖTEBORG


-------------------------------------------------- ------------------------

 

Ahlu Sunna Waljamaaca Sweden oo soo qatimay

Koranen akhriskii geeridii Macallim Nuur Maxamed Siyaad

-------------------------------------------------------

Munaasabad lagu soo dhoweynayay Bisha Ramadan

islamarkaana Lagu atimay salawaatka iyo Koranen aqris

oo lagu qabtay magaalada Göteborg (RIIX)

  

 

 
 

Xaflad Lagu Xusaayey Israa'ga & Micraajka الإسراء و المعراج Waa habeenki la dheelmiyeY

-------------------------------------------------- ----------------------------------

Mutamarkii shanaad EE Ahlu Sunna waljamaaca

oo lagu qabtay magaalada Göteborg  (RIIX)


Sheikh Maxamed Sheikh Abdullahi Asir

-------------------------------------------------- -------------------------------------------------- ---------

IXTIFAALKA XUSKA DHALASHADA NABIGEENA SUUBBAN EE MUXAMAD OO Lagu QABTAY MAGAALADA GÖTEBORG

 

-------------------------------------------------- --------------------------------

 


         

  

 

Mumtamirkii 4-aad ee Alu Sunna Waljameeca oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Göteborg ee dalka Sweden.

========================================

 

========================================

   

22 Mars 2008 ayaa Magaalada Göteborg, gaar ahaan Gårdsten Centrum (Gårdsten Skola) ka dhacay XUS Wyn oo ay ka soo qayb galeen Muslimiin Badan oo ka kala yimid Magaalooyin kala duwan ee ka tirsan Dalka Sverige oo ay ka mid tahay Stockholm

================================================== =

Culumaa'udiinka Reer Faqih oo Xusay Mawliidka Nebiga NNKH. 

=============================================

    

 

USA. Seattle

 

IXTIFAALKA DHALASHADA NABIGA scw.OO Lagu QABTAY MASJIDKA AL-KARIIM EE SEATTLE(RIIX)

 

 

================================================== ===============

Furriinku Ma Fududa Ee Intaadan Falin Ka fiirso

                                 (RIIX)

================================================== ===============


XAFLADO LAGU XUSAAYO AL-ISRAA’ WAL MICRAJ OO LAGU KALA QABTAY MASJIDKA AL KARIIM EE SEATTLE IYO XARUNTA AHLUSUNNA WALJAMAACA EE GOTHENBURG.

            

Galabti Khamiista, taariikhduna ay aheeyd  09082007 waxaa lagu qabtay magalada Göteborg

          Xaflad lagu Xusaayo Israa’ga & Micraajka الإسراء و المعراج

 Waa habeenki la dheelmiyey Nabigeena suuban Muxamed bin Cabdullaahi (scw).

Xafladaas oo eey soo Agaasimeen

Maamulka AHLU SUNNA WALJAMAA’AH  EE GÖTEBORG

Xaflada waxaa ka soo qayb galay Dad  badan oo eey wajiyadooda  farxad  iyo reenreen ka muuqatay taas oo ka turjumeeysa Maxabada iyo Jaceeylka Nabigeena suuban(Muxamed bin Cabdullaahi (scw).

Waxaa halkaas wacdi iyo casharo Diini ah iyo Qisada Israa’ga

& Micraajka iyo Siirada Nabigeena Muxamed bin Cadullahi (SCW)

 

 

Sheekh Abdirahmaan Sh. Muxudiin Celi oo ka mid ah

Culumaa'udiinka Ahlusunne waljamaace kuwooda ugu caansan .

Sidoo kale waxaa  Qasiidooyin iyo Nabi amaano halkaas ka akhriyey

SHariif Cali Shariif Xabib ( Asta)

Fuad Bin  Caqiil

Muuse Cali caddow

Macalin Abuukar Maxamed Sabriye

 Maamulka AHLU SUNNA WALJAMAA’AH EE GÖTEBORG wuxuu u mahad celinaayaa dhammaan dadki ka soo qeeyb galay iyo intii gacanta ka geeysatay Khayrkaas farah badan

 

 

 

 

    

    

Waa Billaahi Towfiiq

 

                 

-----------------------------------------

 

 

Halkan ka dhageyso Qaraxyada iyo dilalka Somalia, diinta islaamka maxey ka qabtaa? su'aashaasi waxaan ka wareysaney Sheekh Abdirahmaan Sh. Muxudiin Celi, waxaana wareysatay Ikraam Cali Kaar

 

------------------------------------------------------------------

MUNAASABAD LAGU XUSAAYAY SH CALI SAMATAR OO KA DHACDAY MAGAALADA SEATTLE.

Xaflad  lagu xusaayo Caalimkii weynaa Allaha ha u naxriistee SHEEKH CALI SAMATAR oo si weyn loo soo diyaariyay, ayaa xalay ka dhacay Masjid “AL-KARIIM” ee ku yaala Xaafadda Rainier ee Magaalada Seattle WA, waxaana ka soo qayb gale dad fara badan oo Ahlu Sunna Wal Jamaaca, kuna abtirsadaan Caqiidad Al-Ashcari, Dariiqadooduna yahay Suufiya.

Xafladdu waxay ku bilaabatay Qur’aanka Kariimka ah, kadibna waxaa la qaaday Qasaa’idka  Nabi Amaanka iyo kuwa lagu xusaayo Awliyada oo uu ka mid yahay Marxuum Sheekh Cali Samatar.

Intaas kadib, Imaamka Masjid Al-Kariim, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf wuxuu wacdi diineed ah u soo jeediyey dadweynaha ka soo qayb galay Xafladda Xuska Sheekh Cali Samatar, kuna booriyay in la hirgeliyo kalimada “Taqwa-Laah” oo macnaheedu yahay in Ilaah (SW) laga cabsado oo la fartoomo wixii Alle amray, lagana fogaado wixii uu reebay.

Sheekh Maxamuud Xaaji, wuxuu dhegaystayaasha u sheegay in Ilaahay (SW) Qur’aankiisa Kariimka ah ku caddeeyay in kuwa Ilaahay ka cabsada uu gacan siinayo, dhibaato kasta oo ku dhacdana ka bixinayo, uuna ka risaq siinaayo meel aysan malaysanayn. Ilaahay wuxuu u ballan qaaday in uu siinayo jannadiisa waasica ah, uu ka xoraynayo Naarta Xanuunka badan, uuna u siyaadinayo cilmiga uu bartay oo la siinayo “Cilmi Laduni ah”.

Imaamku wuxuu kale oo ka hadlay “Masaa’ishii” ay ka mid ahaayeen: Tawasulka, Istikhaasada oo ah in Rasuulkiisa Maxamed (SCW), Awliyada iyo Saalihiinta Ilaahay fadligooda lagu bari karo, lagu istikhasad karo, lagu shafeec dalban karo, wax farq ah aan kala lahayn haddii ay nool yihiin iyo haddii ay dhinteen intaba.

Imaam Sheekh Maxamuud, wuxuu ka hadlay banaanshaha iyo sida Diinta Islaamka ay u suktay Xafladda Xuska Nibiga (scw), Awliyada, Saalixiinta, sadaqada loo bixinaayo iyo adillooyinka Diinta ay ka qabto. Dadka inkiraayo ama  riddeenayo ammuurahaas khayr badan xambaarsan, wuxuu Sheekh Maxamuud ku tilmaamay in ay yihiin dad ka soo jeeda Manhajka & Caqiidada baadilka ah ee “Ahlu Bidac.

Imaam Sheekh Mamuud Xaaji  wuxuu sharraxay taariikhda Caalimkii weynaa ee SHEEKH CALI SAMATAR. Wuxuu ka sheekeeyay Karaamadiisa iyo Qasiidoonkii Nabi Amaanka iyo kuwii uu Awliyada ku amaanayba oo Sheekha allifay.

Marxuum Sheekh Cali Samatar, bin Xasan, bin Cabdulle, bin Maxamed, bin Yuusuf oo Mufti ku ahaa Culuunta Carabiyada, Tafsiirka, Axaadiista, Caqiidada, Fiqhiga, Tasawufka iyo funuun badan oo ka mid ah Culuunta Diinta Islaamka, talaamid aad u fara badan ayuu wax baray.

Qabanqaabada iyo isku dubaridka Xafladda Xuska Sheekh Cali Samatar, waxaa ka soo shaqeeyay Jameecadda A.S.W. oo deggan Magaalada Seattle oo uu hormood ka yahay Maamulaha Masjidka “AL-KARIIM” oo la yiraahdo Xaaji Maxamed Sheekh Xassan, Ilaahay ha ku abaal mariyo khayr aan la soo koobi karin.

Ziyaaradda Sheekh Cali Samatar oo jawi sare ku dhamaatay, ayaa martidii ka soo qayb gashay waxaa  ka mid ahaa Dr. Shariif Sheekhuna Maye oo  nooga yimid Dalka Swedan, gaar ahaan Magaalada Goteborg, waxay Ahlu Sunna Wal Jamaac (Al-Ashcari, )  meel kasta ay joogaan u duceeyeen in Ilaahay qalbigooda ku beero “Maxabbada Rasuulka” (scw) iyo sunnadiisa.

Sidoo kale waxay A.S.W. ku booriyeen inay fahmaan Diinta  si cilmi ahna isaga difaacaan qatarta cadawga gudaha iyo dibadaba ee Bidcada ah, si loo difaacona ay lagama maamaan  tahay in qof waliba adeegsado aqoontiisa, hatidiisa, xikmadiisa iyo Hibadda uu Ilaahay siiyay in uu u istaago ka hortagga Bidcadda iyo kuwii soo adeegsada.

Ilaahay (SW) waxaan ka baryeynaa in uu Ahlu xaqa ded deg uga farxiyo, Hoggaana nooga dhigo kuwo uu isagu garab u yahay. Nabiga Suuban Jaahiisa.

Riix halkan si aad u aragtid sawirada

Waa Billaahi Towfiiq.

W/D. Dr. Shariif Sheekhuna

L/H. Seattle,WA.

Email.shariifmaye@hotmail.com

Create a free website at Webs.com